Hordhac
Falanqaynta Ganacsiga waa hab muhiim ah oo lagu fahmo baahiyaha ganacsi, lagu xalliyo dhibaatooyinka, laguna helo fursado cusub oo kobcin kara shirkad ama mashruuc. Qofka sameeya shaqadan waxaa loo yaqaan Business Analyst, wuxuuna kaalin weyn ka qaataa go’aan qaadashada saxda ah.
![]() |
| Falanqaynta ganacsiga. |
Waa maxay Falanqaynta ganacsigu?
Falanqaynta ganacsigu waa geeddi-socod lagu ururiyo, lagu falanqeeyo, laguna sharaxo xogta si loo fahmo sida ganacsigu u shaqeeyo iyo waxa loo baahan yahay in la hagaajiyo. Waxay diiradda saartaa:
• Aqoonsiga dhibaatooyink
• Fahamka baahiyaha macaamiisha
• Soo jeedinta xalal wax ku ool ah
Muhiimadda Falanqaynta ganacsig
Falanqaynta ganacsiga wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin:
1. Go’aan qaadasho wanaagsan
Waxay ka caawisaa shirkadaha inay gaaraan go’aanno ku saleysan xog sax ah.
2. Yaraynta khataraha
Falanqaynta saxda ah waxay yareysaa khaladaadka iyo khasaaraha.
3. Horumarinta waxqabadka
Waxay ka dhigtaa hababka shaqo kuwo hufan oo wax soo saar leh.
4. Fahanka macaamiisha
Waxay ka caawisaa ganacsiga inuu si fiican u fahmo baahida suuqa.
Hawlaha Falanqaynta
Business Analyst wuxuu qabtaa shaqooyin badan sida:
• Ururinta xogta iyo warbixinaha
• La shaqeynta maamulka iyo shaqaalaha
• Sameynta qorshayaal iyo talooyin
• Qiimeynta nidaamyada jira
Qalabka iyo Farsamooyinka
Waxaa jira qalab iyo farsamooyin loo adeegsado falanqaynta ganacsiga sida:
• (Awoodaha, Daciifnimada, Fursadaha, Khataraha)
• Falanqaynta xogta
• Sawiridda habraacyada shaqo
