Hordhac
Dunida ganacsiga ee maanta, oo ay tartanku sii xoogeysanayo maalinba maalinta ka dambaysa, suuq-gayntu waxay noqotay aalad lama huraan ah. Waxay ka caawisaa shirkadaha inay aqoonsadaan fursadaha cusub, fahmaan isbeddellada suuqa, isla markaana saadaaliyaan dhaqanka macaamiisha. Taasi waxay u suuragelisaa ganacsiga inuu sameeyo go'aanno xog-ogaal ah halkii uu ku tiirsanaan lahaa mala-awaal ama nasiib.
Suuq-gayntu waxay ka kooban tahay hawlo badan. Waxaa ka mid ah cilmi-baarista suuqa, falanqaynta tartamayaasha, qaybinta macaamiisha kooxo kala duwan, iyo dejinta farriimo saamayn leh oo soo jiita dareenka dadka la bartilmaameedsanayo. Mararka qaar hal xayeysiis oo si xeeladaysan loo qorsheeyey ayaa horseedi kara koboc weyn. Mararka kalena, xiriir wanaagsan oo lala yeesho macaamiisha ayaa ka qiimo badan olole xayeysiis oo qaali ah
Suugaynta ganacsigu waa Soo jiidasha macaamiisha si ay u gataan badeecada iyo adeega.
Waxayna kaa caawinaysaa inay kula Soo xiiraan macaamiil badan si ay wax kaaga iibsadaan ayna Soo booqdaan goobta aad ku leedahy ganacsiga.
Siyaabaha loo suuqa geeyo ganacsiga
1.Inaa cilimi baadhis samaysid
2.Inaad ogaatid waxa ay macaamiishu rabto.
3.Qeexida bartimaameedka.
4. Go.aamida cida aad rabtid inaa wax ka iibisid.
5. Soo bandhigida badeecada aad iibinaysid.
U jeedada suuqa gaynta ganacsiga
1. Kordhinta iibka
2. Dhisida sumad (logo)
3. Dhisida macaamiil cusub.
4. Dhisida macaamiil cusub