No results found

    NAQSHADAYNTA GANACSIGA.


                          Hordhac

    Naqshadaynta ganacsigu ma aha oo keliya qorshe la dejiyo ama qaab-dhismeed la sawiro; waa farsamo istaraatiiji ah oo hagta jihada iyo mustaqbalka ganacsi kasta. Waxay ku lug leedahay isku dubbaridka himilooyinka, kheyraadka, hababka shaqo, iyo awoodaha ururka si loo abuuro nidaam ganacsi oo isku dheellitiran, wax soo saar leh, isla markaana awood u leh inuu la jaanqaado isbeddellada suuqa.
    Ganacsi si wanaagsan loo naqshadeeyey wuxuu ka badan yahay urur iibinaya badeeco ama adeeg. Waa nidaam si taxaddar leh loo dhisay, halkaas oo maamulka, suuq-geynta, maaliyadda, hal-abuurka, iyo adeegga macaamiishu ay si wadajir ah uga shaqeeyaan gaarista ujeeddooyin isku mid ah. Marka qaybahan kala duwan si hufan la isugu xiro, ganacsigu wuxuu helaa awood uu ku kobco, ku tartamo, uguna sii jiro suuqa muddo dheer.
    Xilligan ay tiknoolajiyadu si xawli ah u beddelayso hababka ganacsiga, muhiimadda naqshadaynta ganacsigu waxay noqotay mid aan la iska indho tiri karin. Shirkadaha fahma baahiyaha macaamiishooda, si joogto ah u horumariya adeegyadooda, kana faa'iidaysta kheyraadkooda si xikmad leh, ayaa inta badan noqda kuwa hoggaamiya suuqa. Taas beddelkeeda, ganacsiyada aan lahayn naqshad iyo qorshe cad waxay la kulmaan caqabado badan, kuwaas oo wiiqi kara awooddooda tartan iyo koboc.

     Waamaxay Naqshadaynta ganacsigu?

    Naqshadynta gacnacsigu waxa weeye inaa inaa gacsigaaga brands u samayso sida logo iyo poster qrurux badan si ay macaamiisha u soo jiidato.

    Naqshadaynta ganacsigu waa qayb ka mida  suuq gaynta ganacsiga.

    Ganacsigaaga inaa sumad u yeeshid waxay qayb waynka qaadataa inaad heeshid macaamiil badan.

     Si aad u naqshadayso ganacsig waxaa lagaa baahanyahay ina samaysid.

                   1) Astaanta shirkada
                  2) Website/Socail media
                  3) Busines card
                   4) Brands iwm

    Nashdaynta ganacsiga waa kur uqaadadida suuqa iyo iibinta badeecada waxayna Soo jiidananysaa macaamiil badan si ay wax kaaga iibsadaan.
    Naqshadaynta ganacsiga waxay kuu horseedayaan Soo booqsho macaamiil badan.
    Naqshadaynta ganacsiga waa astaanta business waxayna fure u tahy suuqa macaamiisha.







     

    Previous Next

    نموذج الاتصال