Hordhac
Qorshaynta ganacsigu waa laf-dhabarta mashruuc kasta oo doonaya inuu sii jiro. Iyadu waxay kala saartaa ganacsi si kedis ah ku bilowday iyo mid si xeel dheer loo aas-aasay.
![]() |
| Qorshaynta ganacsiga cusub |
Sidee loo qorsheeya ganacsiga?
Qorshaynta ganacsigu waa furaha bilaabida ganacsiga waa inaad Marka hore la timaadid qorshe ganacsi adigoo baaris badan Soo sameeyay.
1. Maxaad rabtaa inaad gaarto?
2. Sidee u gaari doontaa?
3. Xageed hada taaganthy?
4. Maxaa khatar ah oo jiri kara?
5. Maxay yihiin kharashaad iyo faaidada la filan karo
1. Hordhaca ganacsiga: sida inaa magaca u samaysid ganacsiga.
2. Sharaxaada ganacsiga: dhibaayooyinka ka Jira suuqa iyo sida aad u xalinkarto.
3. Qorashaha suuqa gaynta: sida aad macaamiisha ku gaari karto.
4. Qaabdhismeedka ganacsiga: side milkiilaha iyo shaqaalaha loo baahanyahy.
Dejinta Yoolalka
Ganacsi aan lahayn yoolal cad wuxuu si fudud ugu wareeraa howl maalmeedka. Yoolalku waxay abuuraan cabbir lagu qiimeeyo horumarka.
Tusaale ahaan:
In la gaaro boqol macmiil saddex bilood gudahood.
In faa’iidada la kordhiyo sanad kasta.
In la balaariyo adeegyada mustaqbalka dhow.
Qorshaha Maaliyadda
Yoolal cad waxay abuuraan dhiirigelin iyo nidaam.
Tani waa qaybta ugu xasaasisan. Halkan waxaa lagu qiyaasaa:
Lacagta lagu bilaabayo
Kharashaadka joogtada ah
Dakhliga la filayo
Heerka faa’iidada
Ganacsiyo badan ayaa xirma iyagoo fikrad fiican lahaa balse aan lahayn qorshe dhaqaale oo sax ah.
